Somali News

QM oo go’aamisay in 1,000 oo ka tirsan Howlgalka AMISOM laga saaro Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Golaha Amaanka ee QM ayaa go’aamiyay Jimcihii in illaa 1,000 Askari laga dhimo Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM xilli uu sii kordhayaan weerarada dagaalamyaasha Al-Shabaab ay ka geesanayaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan mgaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Golaha ayaa sibuuxda ugu codeeyay qaraarkan Ciidamada lagu dhimayo AMISOM iyagoona walaac ka muujiyay xaalad amni daro ee dalka Soomaaliya ka jirta. 

Qaraarkan Ciidamada looga dhimayo hawlgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa waxaa soo gudbiyay dowladda Britain si loo yareeyo Ciidamada AMISOM  lana gaarsiiyo 28’ka Febaraayo sanadka 2020-ka 19,626 Askari, iyadoona taas badalkeeda lakordhinayo Booliiska AMISOM ka joogi doona Soomaaliya.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah kii xaalada kala guurka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2017-kii iyadoona tan iyo waqtigaas  si tartartiib ah loo dhimayay Ciidamada AMISOM. 

QM ayaa raadinaysa sidii ay xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya xilli dagaalamyaasha Al-Shabaab oo ku xiran urur waynaha Al-Qaacida uu u jeedkoodu yahay sidii ay meesha kaga saari lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Hawlgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa la’asaasay sanadkii 2007-kii iyadoona dowladaha ay Ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlagalka AMISOM ay ka mid yihiin Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.