Somali News

QM oo ka deyrisay mustaqbal dowladnimada Libya

Berlin-KNN-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ka dayriyay mustaqbalka dalka Libya, waxuuna sheegay inay halis ku jirto jiritaanka dawladnimada Libya.

Antonio Guterres waxaa uu hadalkaan ka sheegay kadib kulan heer wasiir ah uu uu qadka Internetka uga qeyb galay

Guterres waxaa uu ku eedeyay dawladaha caalamka inay hub fara badan geeyeen dalka Libya oo ay la kala safteen dhinacyada is heysta, taas oo sii adkaysa in xal laga gaaro dhibaatada hadda Libya ka jirta.

In lagu xad gudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Libya ayuu sidoo kale soo hadal qaaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka arrimaha dibbadda Jarmalka ayaa soo jeediyay in deg deg loo qabto shir la iskugu keenayo dhinacyada Libya isku haya, si loo heshiisiiyo.

Colaada Libya oo soo jirtay tan iyo markii ay dhacday dowladdii Korneyl Khadaafi waxay sii xogaysatay saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Dhawr dawladood oo kuwa carabta u badan ayaa taageero ciidan siiya sarkaalka falaagoobay ee Khaliifa Xaftar ,halka kuwa kalena ay taageeraan dowladda taagta daran ee caalamku aqoonsanyahay .