Somali News

QM oo ka digtay in musiibo Banii’aadanimo ay kasoo socoto Gobolka Idlib e Suuriya

Muqdisho-KNN-Qaramadda Midoobaya ayaa ka digtay in musiibo Banii’adanimo ay kasoo socoto gobolka dhaca Woqooyi-Galbeed Siiriya ee Idlib, iyadoo Reer Galbeedku ay isku deyayaan in ay ku cadaadiyaan Ruushka iyo Siiriya in ay damaanadqaadaan in ay joojinayaan Weeradda ay la beegsadaan Iskuuladda iyo Xarumaha Caafimaadka.

Isagoo ka hadlayay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa isku xiraha arrimaha Banii’adanimadda Mark Lowcock waxaa uu sheegay in uu jiro Walaac ka dhashay xaaladdda Idlib oo kasoo dareeysay muddo bilooyin ah.

“Bishii September, Xoghayaha Qaramadda Midoobay waxaa uu adkeeyay in ay muhiim tahay in laga fogaado in dagaal weeyn uu ka dhaco Idlib, waxaa uu sidoo kale ka digay in ay xariiga goostaan riyooyinka aan abid lagu arag siiriya” ayuu yiri Mark Lowcock.

Qaramadda midoobay ayaa ka digtay in Sedex million oo Shacab ah in ay khatar ku jiraan iyadoo Ciidanka Madaxweyne Bishaar Al-Assad ee Ruushku taageerayo ay guluf bilaabeen.

Musiibo ayaa ka dhici karta meelaha ay dagaaladdu ku wajahanyihiin. Sidoo kale dadku ma aysan helin kaalmo ku filan si ay qaxa ugu adkeeystaan.