Somali News

QM oo ka niyad jabsan guuldarada ciidamadeedu kala kulmeen Afrikada Dhexe

Muqdisho-KNN-Ciidamada Nabad Ilaalinta ah ee ka socda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo kuwa dawladaasi ayaa waxa ay sheegeen in goobo amni ah ay u samayn doonaan shacabka ka soo qaxaya meelaha ay ku dagaalameen ciidanka mileteriga iyo kooxaha fallaagada ah ee dawladaasi ka soo horjeeda.

Jamhuuriyadda Afrikadada dhexe oo ka mid ah meelaha ay ka socdaan dagaallada Sokeeye ayaa waxaa ku guul daraysatay Qaramada Midoobay si ay u soo afjaraan.

Goobta  amanka ah ayey isla garteen Dowladda iyo Jimciyadda Quruumuu, in laga dhigo meel u dhow magaala madaxda dalkaasi ee Bangui.

Ciidamada is bahaysiga  ee jooga Dalkaasi  ku yaala bartamaha  Qaaradda Afrika. ayaa waxaa ay wali dadaala dhacayaan jabhado kadagaalama, gudaha dalkaasi waxaana barakacay, dad badan oo ka qaxay Deegaanadoodii,  dagaalka labada dhinac awgiis.