Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire James Swan oo ka hadlayay kulankii golaha amaanka shalay ayaa sheegay in xafiiskiisu aad uga walaacay markii uu maqlay in dawlada Soomaaliya diiday wakiilkii ururka midawga Afrika usoo magacaabeen Soomaaliya John Mahama.
Si gaar ah waxaa uu u sheegay James Swan in go’aan uu ahaa mid ay aad uga xumaaday inay dawlada Soomaaliya diiday in wakiilkaas uu shaqadii loo soo diray qabsado.
“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya” ayuu yiri James Swan wakiilka Q,M ee arrimaha Soomaaliya.
Danjire Swan waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo xalkeeda hadda loo fadhiyo waxaana uu xusay inay door wanaagsan ka cayaarayaan fududeynta arrimaha doorashooyinka ku hareeraysan.
Inay muhiim tahay soona jeedinayo in la isku tanaasulo si dalka ay doorasho la isla ogolyahay uga dhacday ayuu sheegay.
“Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho uu ka soo baxo qodobo la fulin karo si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah, waxaan amaanayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyed ee doonayay tanaasulka iyo is afgaradka inta lagu guda jiro xilligan, taasoo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. arrinta tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahan yahay si horay loogu sii socdo” ayuu yiri James Swan.
James Swan intii uu ka hadlayay kulankii golaha amaanka ee Q,M ka yeesheen arrimaha Soomaaliya waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha amaanka oo uu sheegay inuu yahay walwalka ugu badan ee xilligaan la qabo arrimaha bini’aadanimada oo uu sheegay in kumaanaan qof oo Soomaali ah ay gar gaar u baahanyihiin xilligaan.


