Somali News

QM oo sheegtay In ay kordheen Tiradda dadka guryahooda ka barakaca.

Tirada dadka lagu qasbay inay ka cararaan iska horimaadyada, rabshadaha, xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo cadaadiska ayaa hadda ka talaabay 100 milyan oo ruux markii ugu horeysay ee la diiwaan geliyo, oo ay sababeen dagaalka Ukraine iyo colaadaha kale ee dhimashada leh,” ayuu yiri Wakiilka Sare ee Qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNHCR Filippo Grandi wuxuu ku sheegay in tani ay tahay xaalad aad u muuqata waana tiro aan wali la diiwaan galin.

Tani waa in xal loo helaa si loo xalliyo loogana hortago iskahorimaadyada wax burburinaya, joojinta cadaadiska, iyo wax ka qabashada sababaha kale ee keenaya in dadka aan waxba galabsan inay ka cararaan guryahooda, ayuu raaciyay hadalkiisa.

UNHCR ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine uu ku barakiciyay sideed milyan oo qof oo gudaha dalkaas ah, in ka badan lix milyan oo qofna ay u u barakaceen dalal ka baxsan dalkaas.

Sannadkii hore, tirada ay diiwaan galisay Qaramada Midoobay ee dadka barakacay waxay gaareysay 90 milyan sababo la xariira rabshado iyo colaado ka jiray dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Burkina Faso, Myanmar, Nigeria, Afghanistan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.