Somali News Uncategorized

QM oo sheegtay in aysan dib u dejin u sameyn karin muhaajiriinta ku sugan Libya

Muqdisho-KNN-Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxoootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in aysan awoodin inay dib u dejin u sameyso intooda badan muhaajiriinta ku sugan xeryaha kumeel gaarka ah ee ku yaal caasimadda Libya ee Tripoli.

Dadka muhaajiriinta ah ee ku nool Libya waxaa lasoo deristay welwel maadama qaarkood ay dib u dejin ka heleen waddanka Rwanda halkaas oo la geeyay.

Rwanda waxay ogolaatay inay qaabisho 500 muhaajiriin ahaa oo ku sugna xeryo ku yaal Libya balse waxaa halkaas ku go’doonsan kumanaan qaxooti ah.

Toddobaadkan waxay muhaajiriinta qabanayaan dibadbaxyo ay codsi ugu dirayaan UNCHR.

Bishii July ayay aheyd markii weerar lagu qaaday xeryaha ay ku sugan yihiin muhaajiriinta.