Somali News

Q,M oo sheegtay in boqolaal kun oo qof ay ku qaxeen dagaalkii ugu dambeeyay ee Itoobiya ka dhacay.


Addis-Ababa: Q,M ayaa sheegtay in dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay
gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya inuu saameeyay qiyaastii 400
oo kun oo qof.
Kulan gaar ahaa oo ay xubnaha golaha amaanka ee Q,M ka yeesheen
xaaladda dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ay
ku barakaceen 400 oo kun oo qof kuwaasoo naftooda kala cararay
guryahooda magaalada Maqale.
Qoraal loo gudbiyay golaha amaanka ayaa lagu sheegay in laga digayo
haddii uu sii socdo dagaalka Itoobiya inuu saameyn karo ku dhawaad 2
million oo hadda qarka u saaran inay xaalad macaluul ah wajahaan.
Labada dhinac ee ku dagaalamaya gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya
oo kala ah ciidamada dowladda iyo jabhadda TPLF ayay Q,M ku eedeysay inay
geysteen xadgudubyo bini’aadanimada ka baxsan oo ay xataa hor istaag ku
sameeyeen shaqaalaha caafimaadka iyo iyo kuwa samafalka.