Somali News

QM oo sheegtay in kumanaan caruur ah ay wajahayaan xaalad adag

Qaramada midoobay ayaa shaaca kaqaadday in kumanaan kun oo caruur ah ay la ildaranyihiin xaalado nololeed oo aad u adag taasi oo kadhalatay colaadaha iyo abaaraha kajira qeybo badan oo kamid ah waddamada dhaca geeska Africa si gaar ah Somalia iyo sidoo kale waddamada yaman,siiriya iyo afgaanistaan.

Warbixintu waxay iftiimisay ku dhawaad 24,000 oo xadgudubyo waaweyn oo la xaqiijiyey oo ka dhan ah carruurta, celcelis ahaan ilaa 65 xadgudub maalin kasta. Dilka iyo naafaynta carruurta ayaa ahayd xadgudubkii ugu ba’naa ee la hubo oo ay ku xigto askaraynta iyo adeegsiga carruurta iyo diidmada gargaarka bini’aadantinimo.

Meelaha carruurta ugu badan ay saameeyeen xadgudubyada ba’an 2021 waxay ahaayeen Afgaanistaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Israa’iil iyo Dhulka Falastiin ee la haysto, Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.

Qaramada midoobay ayaa sanadkiiba mar soo saarta warbixinno iyo xog aruurin laxariirta caruurta la askareeyo iyo dhibaatooyinka ay wajahaan kumaan caruur ah kuwaasi oo kunool qeybo badan oo kamid dalalka caalamka.