Somali News

QM oo sheegtay in qaar kamid ah shaqaalaheeda looga dilay Qaza

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay Axaddii in 29 ka mida shaqaaleheeda, lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo loo soo gaabiyo UNRWA ayaa barteeda X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku xaqiijisay geerida 29 ka mida shaqaaleheeda, iyada oo tirada dhimashadu ay ahayd maalinimadii Sabtidii 17 qof, hase ahaatee ay haatan sare u kacday.

Kala badh, ka mida shaqaalaha la dilay ayaa ahaa macalimiin, si ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan ka mida shacabka Gaza ayaa gabaad u raadsanaya xarumaha ay maamusho UNRWA.