Somali News

QM oo Shiinaha ku eedeysay inuu qariyo kiisaska cusub ee xanuunka COVID-19

Vienna-KNN-Hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku eedeysay dowladda Shiinaha inay ka gaabsatay inay la wadaagto tirada dadka uu ku dhaco xanuunka Coronavirus.

Madaxa WHO ayaa sheegay in waayahaan dambe xukuumadda Bayjiin bilowday inay qariso kiisaska cusub ee COVID-19.

Mas’uulkaan ugu sareeya hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaa uu sheegay in waaxyaha caafimaadka ee Shiinuhu si cad u diideen inay xogaha xanuunkaan la wadaagaan hey’adda, si loo diiwaan galiyo.

Shiinaha waa halkii uu markii horeba ka bilowday xanuunkan adduunka qalqalka galiyay ee Coronavirus.

Agaasime Tedros waxaa uu sheegay in tiro-koobka ugu dambeeya ee ay hayaan uu hadda gaarsiisanyahay 6.27 milyan oo qof dunida oo dhan ku nool inuu ku dhacay COVID-19.