Somali News

QM oo soo dhaweysay baaqa nabadda Xuutiyiinta Yemen.

Muqdisho-KNN-Qaramadda Midoobay ayaa soo dhaweysay baaqa Nabadda ee xuutiyiinka ka dagaalama dalka Yemen. Kooxda Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay joojinayaan duqaymiha gantaalaha iyo weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadaan Sucuudiga.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay Martin Grifts ayaa sheegay in baaq xuutiyiintu uu yahay farriin nabadeed oo muhiim ah, taasi oo lagu dhameyn karo dagaalka ragaadiyay Yemen.

Hadalka Xuutiyiinta ayaa imaanaya todobaad kadib markii weerar khasare adag geystay lagu qday Warshadaha Saliidda ee sucuudiga, oo ay waliba xuutiyiintu sheegteen.

Balse Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa beeniyay sheegashadda Xuutiyiinta waxayna eeda dusha ka saareen Dowladda Iran oo iyadu eedda iska fogeysay.