Somali News

QM oo walaac ka muujisay weerar lagu qaaday xarruunta Baarlamaanka Liibiya

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarkii ay Xarruunta Baarlamaanka ku qaadeen dad careysan, kaasi oo qeyb ka ahaa mudaaharaadyo dhowr ah oo ka dhacay magaalooyin badan loogana soo horjeeday  dhaqaale xumada iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sarkaal u hadlay Howgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa yiri

“Xuquuqda ay dadku u leeyihiin in ay si nabad ah u mudaaharaadaan waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo, laakiin lama aqbali karo rabshado sida weeraradii xarunta Golaha Wakiilada ee Tobruk”.

Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tripoli iyo magaalooyinka kale ee dalka Liibiya, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay weerar ku qaadeen isla markaana dab qabadsiiyeen dhismayaal dowladeed oo uu ku jiro aqalka baarlamaanka oo ku yaalla bariga magaalada Tobruk.