Uncategorized

QM oo Walaac Xoog leh ka muujisay Qaxootiga Qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad 40,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar ay u tallaabeen dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.

Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ay u suurtagashay in ay Myanmar ka cararaan oo ay u tallaabaan dhanka Bangaladesh ayaa waxaa ay intooda badan ku nool yihiin xeryo qaxooti oo aad ciriir u ah.

Qaxootiga qowmiyaddani laga tirada badan yahay ee Rohinga ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu khasbay in ay dalkooda ka qaxaan, ka dib markii sida ay sheegeen ay tuulooyinkii ay deganayeen ay soo weerareen ciidamada milatariga Burma iyo dad shacab ah oo hubeysan oo ka tirsan Buudiistaha.

Haseyeeshee dowladda Mynmar ayaa sheegtay in mintidiin hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda an weerarro ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin booliska.

Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan qaxa qaxootiga Rohingya.