Somali News

QM oo war ka soo saartay arrimaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Justin Brady, isku duwaha xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya ahna madaxa hey’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii lasoo dhaafay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guulaha amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay ay halis ugu jiraan ay burburaan hadii beesha caalamku aysan qaadin tallaabo caawinaad oo deg deg ah.

Justin Brady ayaa sheegay inay muhiim tahay in madaxda Soomaalida laga caawiyo ka hor tagga dhibaatooyinka waawayn ee bani’aadamimo, kuwaas oo ay sababeen dhibaatooyin is biirsaday oo uu ka xusay Ayax xaalufin ku haya cunada, COVID-19 iyo daadad ku rogmaday deegaanada qaar ee dalka.

“Soomaaliya hababka wax qabsashadu aad ayey uga yartahay dalalka deriska la ah, saamaynta daadadka, Ayaxa iyo COVID-19, maahan mid bani’aadamnimo oo fudud, balse waxay leedahay suurtagalnimo inay dib-u-celiso qaar ka mid ah guulihii amni iyo kuwii siyaasadeed ee ay beesha caalamku maalgelisay tobankii sanadood ee tegay”ayuu qoraalkan ku yiri Justin Brady.

Qoraalka isku duwidda arrimaha bani’aadanimada xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Justin Brady ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaan u baahan nahay in aan sii wadno wada shaqaynta, isla markaasna ballaarino iskaashiga aan la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelano qurba joogta Soomaalida.”

“Qaramada Midoobey waxay bixisaa hoy iyo agabyo aan cunto ahayn sidoo kale waxay eegeysaa suuragalnimada cudurrada faafa, sida shuban-biyoodka, daacuunka iyo nafaqo-darrida oo inta badan soo ifbaxa waqtiyada fatahaadaha,” ayuu yiri.