Somali News

QM oo war ka soo saartay dib u soo noqoshada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho-KNN- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey doorka dowladda Qatar ay ka qaadatay soo-celinta xiriirkii diplomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujrik, ayuu ku sheegay in Antonio Guterres uu muujiyay rajadiisa ku aadan baaqyadii ka soo kala baxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan soo-celinta xiriirkooda diplomasiyadeed ee labada dal.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyey inay tallaabadaasi horseedi doonto in labada dal ay si buuxda u soo cesha doonan xiriirkooda oo ah mid lama huraan u ah deganaashaha iyo iskaashiga mandiqada gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika.