Somali News

QM oo Xabad Joojin ugu baaqday dhinacyada isku haya Dalka Liibiya

Muqdisho-KNN-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dalka Liibiya in ay sameeyaan xabad joojin deg deg ah.

Baaqa Golha Amaanka ayaa imaanaya xilli dhawaantan weerar dhanka cirka ah lagu qaaday xarun lagu hayo dadka qaxootiga oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Sida uu sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Qaxootiga muhaajiriin gaaray’sa 53 ruux ayaa weerarkaasi ku dhimatay halka inkabadan 130 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen.

 Xubnaha qaybta ka ah Golaha Amaanka ayaa muujiyay sida loogu baahanyahay in dhinacyada isku haya dalka Liibiya ay gaaraan xabad joojin deg deg ah.

Wadada lagu gaari karo nabada iyo xasiloonida dalka Libiya ayaa ah xal siyaasadeed ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen 15’ka xubnood ee Golaha.

Waa markii ugu horeesay ee Golaha Amaanka uu soo saaro war saxaafideed ay ku mideesan yihiin 15’ka xubnood ee Golaha tan iyo markii ciidamada daacada u ah General Khalifa Xaftar ay weerareen magaalada caasimadda ah ee Tripoli.