Muqdisho-KNN-Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in la weeciyay raashin gargaar ayna leexsadeen koox musuq sameeyay islamarkaana aysan wada shaqayn ka heeysan Saraakiisha Xuutiyiinta ee heeysta qaybo badan oo ka mid ah Dalka Yemen, halkaas oo malaayiin qof la rumeeysanyahay in ay macluul qarka u saaranyihiin.
David Beasley oo ah madaxa heey’adda WFP ayaa BBC-da u sheegay in heey’addu ay dadaal ku bixineeyso sidii ay u gaari lahayd dadka baahan. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Xuutiyinta looga baahanyahay in ay ka hortagaan kuwa musuqa wada ee dhacaya raashinka gaar-gaarka,
waxaa jira warar sheegaya in xubno ka tirsan xuutiyiintu ay raashinka leexdaseen, taasina waxay keeni kartaa in raashinka gar-gaarka ah uu joogsado maadaama usan gaari karin dadkii loogu talo galay, sida ay ka digeeyso heey’adda gargaarka ee Qaramadda Midoobay.
12 million oo dadka reer Yemen ah ayaa ku jira xaalad liidata, qaarkoodna waxaa heeysata macluul.