Somali News

QM”Waa in la dhowraa xuquuqda dadka doorashada soo socota”

Muqdisho-KNN-Warbin ay soo saartay QM isniintii ayaa Dowladda Soomaaliya ku boorineeysa in ay qaado Tilaabooyin xaqiijinaya in Doorashadda soo scota aysan harreeyn xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa ka digeeysa in ay soo laabtaan xadgudubyo la sheegay in ay dhaceen Doorashooyinkii 2016 iyo 2017.

“Amaan xumada, Tabaryarida hayadaha Cadaaladda iyo Nidaamka Difaaca Xuquuqul insaanka oo aan wanaagsaneyn ayaa ka qayb qaatay isla xisaabtan la’aanta xadgudubyadda xuquuqul insaanka Somalia” ayaa lagu sheegay Warbixinta.

 Warbixintan uu soo saaray Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa faah-faahisay xadgudubyo Ciidamadda Amaanku geysteen, Booliiska iyo nabad sugidda ayaa si gooni ah loo soo hadal qaaday iyo Ururro kale oo Al-shabaab ay kamid tahay intii lagu jiray Doorashooyinkii Baarlamaanka ee 2016 iyo tii madaxtooyadda ee 2017.

Waxaa la xusay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo ergoadii doorasho ee waqtigaas, waxaana Dacwad lagu soo oogay ama la baaray labo kiis oo ka mid ah Dhacdooyinkaas.