Uncategorized

Qodobo Hordhac ah oo laga soo saaray Waan Waantii ka socotay Buuhoodle

Buuhoodle-KNN-Odayaashii dhaqanka ee ku baxay dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa ku guuleestay in ay damiyaan Xiisadii halkaasi ka taagneed iyadoo sidoo kale heshiiyo hordhac laga soo saaray dagaalka dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyay ee ka dhacay bartamaha Magaalada Buuhoodle.

Wararka ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in qodobada hordhaca ah ee laga soo saaray Dhex dhaxaadinta Buuhoodle ay ka mid yihiin in la kala qaado Ciidamada deegaanka iyo in la joojiyo dilalka iyo dagaalada u dhaxeeya Beelaha Dagaalamaya iyo waliba in gogal Nabadeed ay laba dhinac Aqbalaan waxaana la sheegay in ay labada dhinacba qaateen.

Dhinaca dhaqankii galay arintan ayaa maanta kor meeraya goobihii ay dirarta ka dhacday oo ah bartamaha Magaalada iyo Duleedka oo ay hore ugu dagaalameen labada Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalkii ka dhacay Buuhoodle ee Gobalka Togdheer ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale