Somali News

Qof isku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wiil dhalinyaro ah ayaa Isniintii waxa uu isku dilay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah qoyska wiilka isdilay ayaa la hadlay KNN waxa uuna sheegay in wiilku uu dhuunta iskaga dhuftayToorreey , kadibna uu durbadiiba geeriyooday.

Ninka dhalinyarada ah ee isdilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Yabaroow, waxa ayna qoyskiisu inoo xaqiijiyen in maalmihii ugu danbeeyay uu xaalad isku buuqa ku jiray oo hurdadii uu ka tagay.

Soomaaliya waxaa kusoo badanaya falalka isdilka ah, ama in ay dhibaato isu geystaan xubnaha hal qoys oo kali ah.