Somali News

Qof ka mid ah Shaqaalaha W/Arimaha gudaha oo Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho-KNN-Sida ay xaqiijiyeen goob-jogayaal Kooxo hubeysan ayaa Alle ha u naxariisteen xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan ay ku dileen Sarkaal katirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Cosoble. Waxa uu caan ku ahaa magaca Cabdi Madoobe.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Darawal katirsan Shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana toogasho ku dilay dhalinyaro bastoolad ku hubeysan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa aad ugu badanayay dilalka iyo Qaraxyada, mudo laba todobaad ayaa la sheegay iney magaalada ka dhacayn dilal ku dhaw 15 ruux. sidoo kale afar qarax ayaa ka dhacay Muqdisho kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.