Somali News

Qof ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lasoo xiray

Muqdisho-KNN-Amar kasoo baxay Xafiiska Gudoonka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo xiray Cabdul-Qaadir Cabdullaahi Xasan (Shaango) oo kamid ahaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa soo xiray Kaaliye Cabdul Qaadir Cabdullaahi Xasan oo lagu soo eedeeyay inuu ku kacay fal musuq ah.

Waxaana la sheegay in lagu sameeynayo baaris iyada oo la waafajinayo qodobka 246-aad ee xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

War lagu qoray Wakaaladda wararka Soomaaliya ufaafisa ee SONNA ayaa lagu Sheegay in Gudoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Mudane Muuse Macalin Maxamed uu sheegay in baaritaanno lagu sameeynayo ninka lasoo xiray.

Kaaliyaha la xiray ayaa waxa uu noqonayaan qofkii Sedexaad ee Xabsiga la dhigay ee arimo wax isdabamarin ah loo heesto dhoowrkii asbuuc ee ina dhaafay.