Somali News

Qof looga shakiyay in uu qabay cudurka Covid19 oo ku geeriyooday Soomaaliland

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka helayno magaalada Boorame ee gobolka Awdal ayaa waxa ay sheegayaan, in maanta magaaladaasi uu ku geeriyooday qof looga shakisanaa, in uu qabo cudurka Coronavirus.

Qofkan geeriyooday ayaa waxa la sheegay in uu ku jiray mid ka mid ah xarumaha karantiilka ee Soomaaliland, waxaana ku socday baaritaan lagu ogaanayo in uu cudurka qabo iyo in kale, balse jawaabta baaritaanka ka hor uu geeriyooday.

Isla maanta, ayaa waxaa magaalada Boorame ku aasay meyka marxuumka dhintay, waaxda caafimaadka Soomaaliland ay u xilsaartay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Coronavirus.

Waaxda caafimaadka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay sugayaan jawaabta ka soo bixi doonta baaritaanka, haddii la xaqiijiyo in uu qofkan geeriyooday uu qabay cudurka Covid19 uu noqonayo qofkii ugu horeeyay ee Soomaaliland ugu geeriyooda.