Uncategorized

Qof Rayid ah oo Xalay lagu dilay Degmada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Caabudwaaq–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Caabudwaaq Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay Koox Hubeysan ay ku dishay Qof Shacab ah oo ka mida Dadka Xoolo dhaqatada ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo ay la Xiriirtay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dableey Hubeysan ay Dishay Nin ka mida dadka Reer Guuraaga ah oo ka soo jeeda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay Dilal Salka ku haya Aano Qabiil,mana jirto Cid illaa hadda wax ka qabatay Dilalkaas soo laab laabtay.