Somali News

Qof shacab ah oo lagu dilay Galgaduud.

Wararka naga soo gaaraya  Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaas lagu dilay xalay nin aad looga yaqaano deegaankaasi,  kaasi oo lagu magacaabi jiray Tima Jilic Haarey.

Marxuumkaan ayaa ahaa qof ka Xanuunsan Dhimirka, waxaana uu ku xirnaa geed.

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in Marxuumka la dilay isaga oo geed ku xiran, iyadoona ciidamada amniga ay  haatan wadaan  Baaritaano la xariira falkan.

Dilka marxuumka ayaa ku soo aadayaa xili  colaadeed beeleedyo  ay ka jiraan qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud,  taasi oo u dhaxeysa beelo Walaalo ah