Muqdisho-KNN- Kooxo hubeysan ayaa saakay Qof shacab ah waxaa ay ku dishay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Haanta-dheer ee degmada Deyniile,Waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in qofka la dilay uu ahaa macalin Jaamacadeed.
Sidoo kale waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa wasaarada diinta iyo awqaafta ee Xukuumada Soomaaliya.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Sheekh Maxamad Cabdi, waxaana lagu dilay iridka hore ee hoygiisa.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, iyadoona ay goobta gaareen ciidamo ka Booliska Soomaaliya, waxaa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.