Somali News

Qof Shacab ah oo lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Wadada warshadaha gaar ahaan agagaarka jaamacad simad ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaasi ka dhacay dil.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in ay dil u geeysteen wiil dhalinyaro ah,kaas oo la sheegay in xilliga la dilay uu saarnaa mooto bajaaj mareysay wadada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidammo ka tirsan Dowladda,waxaana la sheegay in goobta ay iskaga baxsadeen kooxdii dilka ka dambeysay.

Ma jiraan weli wax ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee dowlada federaalka soomaaliya,kaasi oo ku aadan dilka ka dhacay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho.