Muqdisho-KNN- Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay qof shacab ah ku dileen Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu watay gaari raaxo ah, waxaana lagu magacaabi jiray Dayax Iimaan Xasan Jiirow.
Kooxda dilka u geysatay Marxuumka ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta uu falka ka dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen askar ka tirsan dowlada Soomaaliya, sida ay KNN u sheegeen Dadka Deegaanka.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona Durbadiiba ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo Dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.