Somali News

Qof Shacabka ah oo lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in rag bistoolado ku hubeysan ay xalay gudaha xaafadaas ku dileen wiil dhalinyaro ah Sida Goobjoogayaal ay KNN u sheegeen.

Wiilka la dilay ayaa la ogeyn ilaa iyo hada waxaa uu yahay balse kooxdii ka dambeeysay dilka wiilkaas ayaa la sheegay in ay goobtii ay dilka ka geeyteyn ay  isaga baxsadeen.

Ciidamada Ammanka ayaa gaaray halkii uu dilka ka dhacay ,iyagoona goobta ka qaaday meydka marxuumka la dilay.