Uncategorized

Qofkii 3aad oo ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India oo xalay Geeriyooday.

Muqdisho-KNN-Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku nool dalka India xalay ayaa dalkaasi waxaa ku dhintay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah Maxaabiistii Soomaalida ee ku xirnaa dalkaasi mudada dheer.

Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa dhalinyaro ay Dowladda India sanado ka hor ay ka qabatay Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo loo heesto danbiyo la xariira burcad badeednimo waxa uuna u dhintay xanuun uu la il darnaa mudo dheer.

Maxbuuskan ayaa noqonaya kii 3aad ee ku dhinta xabsiyada dalka India, halkaasoo ay ku heysato xaalado caafimaad darro iyo tacadiyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan maxaabiis kale oo la xanuunsan cuduro kala duwan, kuwaasoo la dhigay Isbitaal.

Maxbuuskan geeriyootay ayaa la sheegay inuu hayay cudurka sokorta iyo TB-da, waxaana jira maxaabiis kale oo xanuunadan la il daran.

Tirada Maxaabiista ayaa hore waxay u gaareysay 120 wiil waxaana hada nool 117 oo kaliya halka saddexda kale ay ku dhinteen Gudaha Xabsiga.