Somali News

Qoor qoor” waxaan diyaarinaynaa ciidamo ilaaliya xeebaha Galmudug”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay furay Kalfadhiga 2-aad ee Gollaha Wakiillada maamulka Galmudug.

Xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Qoor qoor oo furay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin; amniga, dib-u-heshiisiinta, garsoorka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Galmudug  ayaa  Barlamaanka maamulkaasi  Ka dalbaday meel Marinta Hindisi sharciyeedka lagu dhismayo ciidamo ka hortaga Kaluumeysiga sharci darada ah ee  Ka Socda Xeebaha deegaanada Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta yar uu xilka haayo uu dhisay Ciidamo farabadan kuwo kalena uu haatan tababar u socdo, kuwaas oo la dagaalami doono Al-Shabaab si ay uga saaraan degaannada ay gacanta ku hayaan.