Somali News

Qoor qoor iyo Xasan Shiikh oo ka wadahadlay doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Ee JFS ahna Hoggaamiyha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Mudane Proff Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay HSM ayaa si gaar ah loogu lafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wadar-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.