Somali News

Qoor Qoor oo booqday xeryaha Ciidanka Xoogga ee Guriceel.

Guriceel-KNN-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay booqasho iyo kormeer ku tagay xeryaha ay ku suganyihiin ciidamada qalabka sida ee kuyaala magaalada Guriceel.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka Milatariga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Galmudug iyo Xildhibaanno ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa  ku ammaanay Ciidanka Xoogga Sida wanaagsan ay u guteen waajibaadkooda Shaqo ee difaaca dalka iyo sida markasta ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada uu galabta Madaxweynaha Galmudug ku booqday xeryahooda ayaa ah ciidamadii dhawaan dagaalka adag kula galay magaalada Guriceel kana saaray ciidankii taabacsanaa kooxda Ahlu Sunna.

Ciidamadaan uu khudbadda u jeediyay Madaxweynaha Qoor Qoor ayaa ah kuwii dagaalka degmada Guriceel kula galay kooxdii Ahlu Sunna oo ku sugneyd degmadaasi muddo todobaadyo ah.

Booqashada Madaxweynaha Galmudug iyo masuuliyiinta kale ayaa imaanaysa kadib markii xal wada hadal ah laga gaaray dagaalkii xoogganaa ee degmada Guriceel ku dhexmaray Ciidamada DFS iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamado u daacad ah Ahlu Sunna kaas oo qaatay afar Cisho, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac badan.