Somali News Uncategorized

Qoor qoor oo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Qoor Qoor oo ku taariikhaysan 26-ka Agoosto 2020 ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug loogu magacaabay Cabdicasiis Nuur Xuseen.

Wareegtada ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu Magacaabidda sameeyay kadib markii uu arkay Soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug islamarkaana garowsaday baahida deg dega ah ee loo qabo dhisidda Xeer ilaalinta Galmudug.