Somali News

Qoor Qoor oo sheegay in waqtigii loogu tala galay shirka Dhuusamareeb uu dhacayo

Muqdisho-KNN-Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo weli ku sugan dalka turkiga ayaa waxaa uu sheegaay in ay muhiim tahay  in laga fogaado wax kasta oo lagu fashilin karo Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa uu  uga mahad celiyay shacabka  Galmudug gaar ahaan kuwa Magaalada dhuusamareeb sida ay u soo dhaweeyeen Wufuudii kala duwaneyd ee ka qeyb-gashay Shirkii ka dhacay Magaaladaas.

Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa waxaa uu hadalkan ka sheegay kadib markii uu ka qaybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay, kaasi  oo ka dhacday Magaalada Istanbul