Muqdisho-KNN-Arrintan ayaa ka dambeysay sida la sheegay kaddib Guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika oo dhowanahaan muqdisho soo gaaray islamarkaana kulamo la qaatay madaxda dalka qaar kamid ah madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo madaxda AMISOM.
Dalalka kale ah Ugadna, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi oo ciidmadoodu ay joogaan soomaaliya ayaa taliyeyaasha hoggaaminaya waxaa ay ka shirayaan maanta sidii ay u dejin lahaayeen wajiga ugu dambeeya ee qorshaha AMISOM ay kaga baxeyso gudaha dalkeena Soomaaliya.
Madaxda midowga afrika kasocotay ee maalmo joogay muqdisho ayaa sheegay in qiimeyntii ay sameyeen ay ka soo baxday rajo wanaagsan islamarkaana uu meel wanaagsan marayo qorshaha kala guurka ah ee ciidamada AMISOM ay ammaanka dalka ugu wereejineyso dowladda Soomaaliya.
Dhowaan ayaa la rajeynayaa inay kulmaaan madaxda dowladaha soomaaliya usoo diray ciidamadooda kuwaas oo iyana ka tashanaaya habka ugu fiican ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya islamarkaana sugida amaanka ay ula warereegi lahaayeen ciidamada dowladda soomaaliya.
Madaxda ugu sareysa soomaaliya ayaa sheegay kal hore in ciidamada xoogga dalka ay la wareegi doonaan mas,uuliyadda ammaanka dalka ka dib markii ay ka baxaan dalka ciidamada AMISOM.
Iyada oo arrintaasi laga duulayo ayaa waxaa jirta in tababaro lasiinayo had iyo jeeraalaba ciidmada xoogga dalka si berri ay u kaafiyaan kaalinta AMISOM ay baneyso.


