Somali News

Qorshe lagu cirib tiraayo khatar dilaacday oo ka bilaawday duleedka Dhuusamareeb, Sawirro

Dhuusamareeb-KNN-Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay deegaano hoos taga magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen qorshe lagula dagaalamayo Ayaxa.

Ayaxa ayaa waxa uu ku degay beero badan oo ku yaalla gobolka Galgaduud, isaga oo xaalufiyey dalagyo kala duwan oo lagu beeray,sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Howsha lagula dagaalamayo Ayaxa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya Duqa caasimadda Dhuusamareeb Macalim Nuur Cilmi Cabdulle, waxaana fulinaya shaqaale sigaara loo tababaray.

Ayaxa ayaa waxaa uu dhibaato badan ku haayaa Beeraleyda ku nool deegaano ka tirsan bartamaha iyo Koonfurta dalka, iyada inta badan gobolada dalka ay ka socdaan dadaallo lagu cirib tirayo.