Muqdisho-KNN-Qoys kasoo jeeda wadanka Kenya oo wiilkooda uu ku jiro gacanta Xarakada Alshabaab ayaa muqaal ey soo duubeen waxa ey Alshabaab kaga codsadeen in Wiilkooda ey usoo daayaan iyaguna ey bixin doonaan qarash kasta oo madax furasha ah oo Al-shabaab ey ka dalbaan.
Muuqalkan oo ey kasoo muuqdeen hooyo iyo Aabe Kenyaan ah ayaa sheegay in ey dhaleen Askari lagu magcaabi jiray Isaac Mbalewa oo katirsanaa ciidamada KDF-ta ee dalka kenya kaa oo lagu afduubtay weerarka Alshaab ey ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Aaabaha Askarigan oo lagu magacaabo Mbalewa oo ah 51jir beeraleey ah ayaa sheegay in 16-kii Bishii January 2016-kii uu la hadlay Idaacad Milatarigu ey leeyihiin uuna ka codsaday madaxda Ciidamada Iyo kuwa dowaladda Kenyaba in ey wadaxaajood la furaan Alshaab si uu wiilkiisu ugu soo Laabto.
Balse waxa uu sheegay in eysan jirin wax ugu soo naasa cadaaday arinkaa oo ilaa xilgaana uusan wiilkiisii meel uu jiro iyo xaalkiisaba uusan waxba kala socon.
“Waxaan diyaar u ahay inaan bixi wax walba oo wiilkeeyga la iigu soo deeynayo waxaan udiyaar garoobay inaan dhulkeeyga iyo hantideeyda oo dhan aan iibiyo wiilkeeygii ayaan ubaahanahay” Sidaa waxaa Yiri Aabaha Mbalewa.
Weerarkii Alshabaab ey ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee Alshabaab lagu ey ku qaadaan xeyaha Amisom waxaan weerarka lagu dilay ku dhawaad 200 oo Askari oo katirsanaa Ciidamda KDF-ta kenya Soomaliyan ku joogay magaca Howgalka Midawga Afrika ee Amisom.