Somali News

Qoysas baadi goob ugu jira eheladooda ay ku waayeen qaraxii shalay

Muqdisho-KNN-Qaraxii shalay ayaa waxa uu saamayn balaadhan ku yeeshay dad badan isagoo galaaftay nolosha dad badan halka uu dhaawacyo halis ah ku reebtay qaar kale.

Sidoo kale waxaa jiray dad weli lagu la’ yahay qaraxaasi shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Qoysas badan ayaa waxa ay goobaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Muqdisho ka baadi goobayaan qaar ka mid ah ehelada iyo asxaabtooda ay ku la’yihiin raq iyo ruux toona.

Qaarkood oo la hadlay Idaacaddan Kulmiye ayaa waxa ay sheegeen in ay weli la’yihiin dadkooda kadib markii ay ka wada baadi goobeen goobaha caafimaadkana ay waayeen