Somali News

Qoysas badan oo ka qaxaya caasimada Indonesia kadib roob saacado badan ka da’ayay

Jakarta-KNN-Kooxaha gurmadka ayaa ku hawlan samata bixinta dad badan oo ay saameeyeen daadad ku fatahay magaalada caasimada u ah dalka Indonesia ee Jakarta.

Inta badan magaalada Jakarta ayaa dawladu bandaw ka dhigtay waxaana gabi ahaanba istaagay isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Dhawr xaafadadood ayaa waxaa ku rogmaday daad ka dhashay roob saacado badan da’ayay waxaana illaa hadda shaqaalaha gurmadku sheegeen inay badbaadsheen in ka badan kun ruux oo go’doonsanaa.

War duqa magaalada xafiiska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 5 kun oo ruux ay ku qasbanyihiin inay guryahooda ka qaxaan maadaama willi roobku da’ayo.

Muuqaalo warbaahinta laga daawaday ayaa waxaa ka muuqda dad danyar ah oo doonyo lagu daad guraynayo.