Somali News

Qoysas ka cararay Al-shabaab oo gaaray Baydhabo

Baydhabo-KNN-Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose ayaa waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qoysaskan ayaa waxaa ay ka ka tageen Tuulo lagu magacaabo adeerow iyo deegaano kale oo u dhow degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa  sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dib u dejin.

Qaar ka mid ah qoyaska soo barakacay ayaa KNN u sheegay in sababaha ay u soo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan, taasina ay walaac xoogan ka muujiyeen.