Muqdisho-KNN-Qoysas badan ayaa ku go’doonsan fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada .
Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay ay jiraan qoysas uu saameeyay fatahaadda webiga ,isla markaasina aysan jirin cid gurmad u fidisay .
Tuulooyin hoos yimaada degmada Mahadaay ayaa dadka ku nooli waxa ay ku dhex go’doonsan yihiin gudaha tuulooyinkaasi, iyadoo ay guryahoodiina ay biyo dhex fadhiyaan .
Sida ay xuseen dadka deegaanka ,waxaa kale oo ay biyuhu galeen beerihii ay manaafacaadka kala soo bixi jireen, iyagoo sidoo kale sheegayn in degmada Mahadaay oo ugu dhaw in ay wax ka soo doontaan aysan jirin meel ay gaadiisku u soo maraan.
waxa ay sheegeen in ay adeegsadaan doomo macmal ah oo ay iyagu samaysteen, taas oo ay dhibaatooyin kala kulmaan.
Tuulooyiinkaas ayaa waxaa ka mid ah Buulo-Axmed Cigoow,Buurfuule,Xudur Ciise iyo qaar kale .
Dhinaca kale isla degmada Mahadaay ayaa waxa ka barakacay qoysas badan, taas oo sabab u ah fatahaadda uu sameeyay biyaha webiga Shabeelle .
Gudddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Faarax ayaa hay’adaha Samafalka iyo dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay gargaar degdeg ah la gaaraan dadkaasi shacabka ah ee dhibaatadu haysato.


