Uncategorized

Qoysaskii ka barakacay fatahaadii Beladweyne oo dib ugu laabanaya magaalada

Beladweyne-KNN-Waxaa  soconaya dadaalo ku aadan dib u celinta Qoysaskii ka barakacay magaalada Baladweyne ee xarunta gabalka Hiiraan, markii xaafadaha magaalada ay ku fatahay Wabiga Shabeele ee mara gobolkaasi.

Qoysaskaan ayaa ku dhibaateysnay daafaha magaalada Beladweyne kuwaas oo aan haysanin hoy, cunto iyo wixii la mid ah ayaa hadda doonaya in ay dib ugu soo laabtaan xaafadihii magaalada ee fatahaada ay ka barakicisay.

Waxaa sidoo kale bur buray guryihii magaalada ee markii hore ay daganaayeen iyo agabyadii u dhax yaalay, taas ayaana ka sii dhigeysa in uu siyaado culeyska haysta qoysaskaasi dhibaateysan.

Waxaa sidoo kale maqan isku socodka dadka iyo Gaadiidka kadib markii kaabayaasha magaalada ay bur buriyeen Fatahaada Wabiga.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa qorsheynaya sidii dib loogu dayac tiri lahaa kaabayaasha sida Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Xuseen Cusmaan Cali.