Uncategorized

Qoysaskii ugu dambeeyay ee ku harsanaa Xaafadaha Beladweyne oo ka baxaya magaaladaasi

Muqdisho-KNN-Waxaa sii kordhaya dhibaatada ka dhalatay fatahaadaii Wabiga Shabeele ee mara magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii shalay iyo maanta magaalada ay ka barakaceyn dadkii ugu dambeeyay ee ku harsanay xaafadaha magaalada.

Kumanaan qoysas ah oo ka barakacay mar sii horeysay magaalada Beladweyne  kuna dhibaateysnay hareeraha magaalada ayaa hadda waxaa sii kordhinaya qoysaskii ku harsanay magaalada gudaheeda kuwaas oo ay saameeyeen fatahaadii oo sii korortay.

Waxaa laga deyrinayay nolosha dadkii horay ugu barakacay duleedka magaalada Beladweyne sida deeganada Ceel-Jaale, Janta-Undisha iyo deegaano kale kuwaas oo la kulamayay Hoy`aan, cuduro ka dhashay biyaha fatahaada, iyo dhibaatooyin kale ayaan jirin gurmad baaxad leh oo gaaray dadkaasi, marka laga tago gar-gaar hor dhac ahaa oo dadkaas qaar kood la gaarsiiyay.