Uncategorized

R/W Itoobiya oo jig jiga Booqday.

Jig jiga-KNN-Dr Abey Ahmed Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta gobalka Soomaali Galbeed oo ay Itoobiyaha heysato.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar Waxaa kusoo dhaweeyay Magaalada jig jiga Dr Abey Ahmed.

Dr Abiy ayaa kulamo hadda halkaasi kula leh madaxda gobolka, waxaan sidoo kale uu khubad u jeediyay shacabka.

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan waxaa ka mid ah dhismaha Golaha wasiirada Itoobiya, iyo Xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada Itoobiya.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu sidaan oo kale booqan doono Gobalada Itoobiyq oo dhan ka hor dhismaha Golahiisa Wasiirada.