Somali News

R/W Itoobiya oo dhax dhaxaadinaya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka

Muqdisho-KNN-Ra`iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda booqasho ku gaaro dalka isu taga Imaaraatka carabta halkaasi oo la sheegay inuu kulamo kula qaadan doono madaxda wadankaasi.

R/W Kheyre oo hadda ku sugan dalka Norwey oo uu kaga qeyb galay shir caalami ahaa oo looga hadlayay arimo dhowr ah ayaa lagu wadaa in safarkaas kadib uu u duula dalka Imaaraadka oo madaxda wadankaasi lala hadlo mugdiga soo kala dhax galay bilihii dambe labada dowladood.

Dowlada Imaaraadka ayaa gabi ahaanba joojisay dhamaan mashaariicdii ay ka fulin jireen gobolada Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Boorsooyin lacag ah oo ciidamada amaanka ee Garoonka Gacanta ay ku dhigeen.

Wixii xiligaas ka dambeeyay dowlada Imaaraadka ayaa dalka ka raratay dhamaan wixii agab ahaa ee ay ku fulin jireen mashaariicda iyadoona sidoo kale dalka ka saaratay xubnihii mashaariicdaasi u fulin jiray.

Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la sheegayaa in safar R/W Kheyre uu ku tagayo dalka Imaaraadka iyo kulanka madaxda wadankaas uu la yeelanayo uu asagu diyaariyay, waxaana sidoo kale Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu wadaa dadaalada leysugu soo dhaweynayo Dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya inuu jiri doono kulamo ay yeelan doonaan Diblomaasiyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka, kuwaasoo ambaqaadi doona sidii dib loogu hagaajin lahaa xiriirkii labada dowladood.

Khilaafka dalalka Khaliijka soo kala dhex galay ee Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhan ah iyo Qatar ayaa Soomaaliya ku yeeshay saameyn aad u weyn, iyadoo dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku cadaadinayay Xukuumadda Soomaliya inay xiriirka u jarto Dowlada Qatar oo loo arko inay xiriir dhow la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya.