Somali News

R/W Itoobiya oo loogu baaqay in uu joojiyo Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada

Muqdisho-KNN-Ra`iisul Waxaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa loogu baaqay in uu damiyo colaada sii xoogeysaneyso ee u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida degta Itoobiya.

Xubno ka mid ah Golaha Degaanka ee magaalda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa warqad u qoray Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxa ayna ka dal badeen in uu joojiyo Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada.

Waxaa sidoo kale ay ka dalbadeen in uu gaaro deegaanada ay ka socdaan dagaalka dhinacyadaas u dhaxeeya, si loo ilaaliyo amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha.

Abiy Axmed ayaa lagu waddaa in uu taggo dalka Mareykanka  30ka bishan July gaar ahaan magaalada Minneapolis.