Uncategorized

R/W Kheyre iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo kawada hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Baarlamaanka

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra`iisul Wasaare Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Maalmihii dambe ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka wuxuu waday kulamo kala duwan uu la yeelanayay Agaasimayaasha Xafiisyada Golaha Shacabka, Guddiyada Joogtada ah iyo xubno kale wuxuuna ka dalbanayay in siwanaagsan loola shaqeeyo.