Somali News

R/W Kheyre oo amray in AMISOM ay ka guuraan Istadium Muqdisho

Muqdisho-KNN-R/W Kheyre oo amray in AMISOM ay ka guuraan Istadium Muqdisho Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si adag ugu hadlay ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ay ka guurayaan Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, kaas oo in muddo ah fadhiisimo Ciidan u ahaa Ciidamada AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Stadium Muqdisho uu yahay Garoonka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed islamarkaana muhiim ay tahay in ay faarujiyaan Ciidamada AMISOM ee fadhiisimaha ku leh.

R/W kheyre ayaa Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye faray in ay u howlgasho sidii Ciidamada AMISOM ay ugu guuri lahaayeen Stadium Muqdisho.

Maalmihii dambe ayaa waxaa socday qorsho Ciidamada AMISOM ay ugu guurayaan Garoonka Ciyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Inkaatoo aan horay loo shaacinin waqtiga Ciidamada AMisom ay ka baxayaan Garooka ayaa hadane waxaa muuqanaya in Xukumadda ay wado dadaal arinkaa lagu soo gaba gabeynayo